World Somali Congress

Ka: W S C Abaabulka GUDDIGA QARAN EE DIB-U-XOREYNTA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED

sabti 7 juillet 2007

Ku:

1. Walaalayaashii adduunka meel walba sida firfircoon noogala qaybgalay bannaanbaxyadii caalamiga ahaa ee bilihii Maarso iyo May 2007. 2. Iyo inta kale ee badan ee diyaarka u ah inay nala hawlgalaan oon iska kaashanno sidii Somali Republic looga xoreyn lahaa cadowga Itoobiya. 3. Waddaniyiinta Soomaaliyeed oo dhan meel ay joogaanba, iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi ahaantiisa.

Ujeeddo: DIB-U-XOREYNTA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED

Iyadoo la xusayo Communique #1, 2, 3, 4.

Iyadoo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay tahay Dal xor ah, madaxbannaan oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobey . Iyadoo luqunta la innoo qabtay cadowgii Itoobiya, sidaas awgeedna ay u suurtagashay inuu qabsado Dalkii-Hooyo Iyadoo arrintaas loo sameystey a) hab siyaasadeed iyo sharci oo indhasarcaad ah (UN-backing, Peacekeepers, etc) b) “Dowlad” maqaarsaar ah oo lagu danaysto. c) Ummaddana xoog lagu muquuniyey (US strikes…)

Iyadoo ujeeddada dahsoon ay tahay occupation iyo annexation-ka Soomaaliya, cadowguna uusan ku talajirin inuu dalka ka baxo, joogitaankana loo sameystey afgobaadsi (argagixiso, islamists, Dowalad-gargaar, nabadayn, iwm).

Iyadoo sidaas daraadeed aan loogu talagelin in ay dalka yimaadaan ciidama ajnabi oo aan ahayn ku Itoobiya iyo inta la jirta (US…), ka-hadalkeedana loola jeedo waqti lumen iyo jaahwareerin Qaranka Soomaaliyeed iyo ra’yul caamka adduunka, laguna maldahayo occupation-ka iyo annexation-ka lagu jiro ee Somali Republic.

Waxa lagama-maarmaan ah indegdeg loo hirgeliyo hab qaran oo lagu xoreeyo Dalkii-Hooyo. Sidaas awgeed waxaan ka codsanaya qof kasta oo Soomaaliyeed inuu hiil iyo hoo diyaar la noqdo, degdegna ula soo xiriiro WSC, National Liberation Committee for Somali Republic

World Somali Congress NLC/SR

XFD O. Malow (Dr. Rabeh)


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 96179

     RSS so RSSSomali RSSOgeysiis  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751