COMMUNIQUE # 4 KU WAAJAHAN SHACABKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED
sabti 7 juillet 2007
"Ku bilaabis Magaca Ilaahay ee Naxariis Guud iyo Mid Gaar ahaaneedba naxariista" Amabacda, Soomaaliyey!...
1. 20 sano ka hor bay ahayd markaan idiinka sii digayey waxa maanta dhacay!...In Xabashidu ku talajirto qabsashada Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyadoon idiin soo bandhigay khariidad (map) caddaynaysa sida arrintaasi tallaabo-tallaabo ugu soo socotay waqtigii tegay iyo, taariikhiyan, xilliga ay ku soo aadan tahay!... (2000....) 2. Beryahaas waxaynu haysannay nabad, Dowlad iyo dal dhisan, waqti lagaga tabaabulshaysto iyo awood itaal lagaga hortego... 3. Hase yeeshee, Dadweyne iyo Dowlad (Xukuumad) dheg la iima raaricin!...(*) 4. Maanta oo arrintii ay dhacdayna ( Amxaara Villa Somala fadhido!?!?!...), weli lama fahamsana dhibaatada taagan iyo waxa ay dabada ku wadato... 5. Soomaalina kama muuqato, inta siyaasadda u hanqaltaagta, hab iyo hoggaan suuragelin kara in laga soo baxo uubta lagu dhacay, laguna magangeli karo mustaqbalka.
6. Sidaas awgeed:
aniga ood i taqaanaan,
kooxna ka tirsanayn,
magac iyo maal idinka doonayn, wanaaggiina mooyee,
arrintaasna u leh aqoon gaar ah, waaya’aragnimo iyo waxyaale kale oo Ilaahay iigu deeqay..., waxaan u soo baxay: badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed, iyo inaan gaarsiiyo guula badan oo la hubo, Alla igu og yahay!...
7. Lacalla sidii shalayto (1986...) aan arkaayey wax idinka daahna, aan maantana u arko habka iyo dariiqa aad ku samatabaxaysaan. Sidaas awgeedna ay dhacdo inaad noolaataan guula badanna aad gartaan, haddad Alla ka baqdaan oo markan aad i rumeysataan!... 8. Sidaas daraaddeed, waxaan ka codsanaya qof kasta oo Soomaali ah, oo Allihiisa yaqaan, qabiil ka xor ah, diyaarna u ah hiil iyo hoo iyo inuusan weligiis isdhiibin, inuu si dhaqsa ah ula soo xiriiro Guddiga Qaran ee Dib-U-Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (National Liberation Committee for Somali Republic) 9. Maxaa wacay, waxaynu marka hore degdeg u baahan nahay in aan awoodda Qaranka oo dhan isugu geysanno sidii aan u xoreyn lahayn Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ulana soo noqon lahayn: Dowladnimadii, madaxbannaanidii iyo soohdintii Dalka Soomaaliyeed (territorial integrity). 10. Waxaana hubaal ah Soomaali inay bixi doonto, xorriyaddeedana la soo noqon doonto.. Amarka maantana, ugu dambey, waxa ku burburi karkarka iyo qabtolka Itoobiya!....
XFD Cumar A. Malow (Dr. Cumar Cusmaan Raabeh) Dimishiq, 1dii Luuliyo, 2007
(*)Mettre en note: Hase yeeshee, Soomaali uguma horreyn ummad indheergaradkeeda inkirta oo dharbaaxo taariikheed ku dhacdo! Shacbiga Faransiiskuba ma qiimayn digniintii cuslayd ee De Gaulle u soo jeediyey Daggaalkii IIad ee Adduunka ka hor (Word War II). Qorshihiisii waxa ka faa’iideystey cadowgii, dibna ugu isticmaalay dalkiisii (France) kuna qabsaday, sida manta Soomaali ku dhacday!... Hase yeeshee, markii ay arkeen massiibadii u sheegayey, waxay ka gadaal ka ogolaadeen inay u hoggaansamaan, oo ay raacaan, waddadii samatabaxa ee uu ugu yaboohayey..
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751








