World Somali Congress

WSC: Socdaalkii Meles Zenawi ee Muqdishu

jimce 8 juin 2007

Haa! Meles Zenawi wuu booqday Muqdishu, laakiin wuxuu u booqday sidii Hitler u booqday Paris (occupe) oo la ahaysto 1940!... Isagoo gumeysi, ku-dul-noolaansho iyo dal-qabsi la socda!...Waxyar dabadeedna dib u cararay, isagoo wax xilleh lagu dhigay, meel u marayna la waayey!...

Waxaan rajeynaya, AFP-yow, hadduu Meles ku ammaanan yahay arrintaas, in Hitler-na ammaan ka mudan yahay, soo-laba-kaclayntiisuna ay noqon karto wax loo baahan yahay!... Mise xis iyo xusuusbaa idinka lumay, maankiinii baa idinka maqan oo weydaan isogayn? Mise dadla’aan iyo damiir la iibsaday baa idin haysta?!?!...

Sidey dooniba ha ahaatee, WSC wuxu ballaqaadaya inuu ka dabategi baadi-halaynta joogtada ah ee media qarbigu ku hayaan Qadiyadda Soomaaliyeed, been-abuurka iyo balaayo-alooska ee aad ku taageersaan burburinta Qaranka iyo Dowladda Somali Republic. Shacabka Soomaaliyeedna, waxa hubaal ah, inuu iska dhicin doono cadowga soo-jireenka ee Abassiiniya iyo dabadhilifyadiisa qalinka iyo qoriga!...

WSC

O. Malow


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 96179

     RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751