World Somali Congress

Xarakaadka muqaawamada oo si deg deg ah uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Yoweri Museveni iyo C/llaahi Yuusuf Axmed

arbaca 16 mai 2007 Qore B salah

Muqdisho (Qaadisiya) Qaraxii maanta lagu laayay askarta Uganda ee dalka Soomaaliya u yimid sidii shaar loogu gelin lahaa gumeysiga lagu soo rogay Soomaaliya ayadoo la adeegsanayo daba dhilifyo ayaa jawaab u ahaa hadalkii ka soo yeeray Yoweri Museveni oo ku casuumay dalkiisa C/llaahi Yuusuf oo u sarreeya kooxda Mbagaati.

Xarakaadka muqaawamada ayaa durbaba ka jawaabay hadalkii Museveni ee ahaa in QM ay u rogto ciidamadiisa kuwa xoog ku abuura nabada, isagoo hadalkiisa u soo daliishaday fara gelintii lagu sameeyay dalka Brundi xilli dagaal sukeeye uu ka socday.

Jawaabta xarakaadka muqaawamada ay ka bixiyeen hadalka Museveni ayaa ah in weli kacdoonkii Muqdisho uusan dhamaan isla markaana ciidamada Uganda aaney waxba ka badalneyn ciidamada Tikreega maadaama ujeedkoodu yahay sidii ay u dabooli lahaayeen gumeysiga Tikreega iyo Mareykanka ay ku soo rogeen dalka Soomaaliya.

Inkastoo ciidamada Kuffaarta Uganda ay qirteen in 5 askari ay kaga dhinteen 5 kalena ay kaga dhaawacmeen qaraxii maanta ayaa misana waxaa hubaal ah in khasaaraha soo gaaray ciidamada Kuffaarta Uganda uu intaa ka badan yahay, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhiigooda iyo maskaxdooda ay daadsan yihiin goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada Uganda ayaa maalmahan dhex mushaaxayay waddooyinka xaafadaha Muqdisho qaarkood ayagoo moodayay in aaney jirin cid beegsanaysa, waxa ayba u maleeyeen in Muqdisho ay la mid tahay magaalada Kambala ayagoo maalmahan sameynayay tallaabooyin lagu dagayo shacabka si ay isaga dhigaan kuwa wax u qabanaya bulshada.

Weerarkan lagu laayay ciidamada Uganda ayaa ku soo aaday xilli la hadal hayo in ciidamada Uganda ay ka baxayaan dalka Soomaaliya kadib markii wadamada Africa ay ka baxeen ballantii ahayd in ciidamo ay u soo diraan dalka Soomaaliya kadib markii ay ka baqeen hanjabaadaha shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah cid kasto oo taageero siisa ciidamada Tikreega iyo kooxda Mbagaati.

C/llaahi Yuusuf oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa ka codsaday Yoweri Museveni in uusan ciidamadiisa kala bixin dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in joogitaankooda uu shaar u yahay gumeysiga lagu soo rogay dalka Soomaaliya.

2 askari dayax shil gaari hawl gal ka sameyn suuqa dayax gaari dhac ah.


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 96179

     RSS so RSSSomali RSSWararka  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751