War saxaafadeed ka soo baxay Asmara (BBCSomali)
khamiis 10 mai 2007
Axmed Idaa Waqaca
Xubnahan ku shiray Asmara waxay dhammaantood ka soo horjeedaan dowladda KMG ah Kulankan waxa uu magaalada Asmara ee caasimadda Eritereya ku dhax maray golihii maxkamadaha ee awooddooda ay ciidamada Itoobiya wiiqeen iyo xubnihii baarlamanka ee ay dhowaan xilka ka qaadeen xubnaha baarlamaanka ee Baydhabo. Xubnahani waxay hadda la baxeen baarlamaanka xorta ah ee Soomaaliyeed. Gebagabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen sida loo qoray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
Baaq loo jeediyey Maraykanka
Xubnahan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay ka waantowdo waxa ay ugu yeereen dhibaatada ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay ku sheegeen in ay tahay taageero joogto ah oo ay siiso dowladda Itoobiya oo ay yiraahdeen waxay xasuuq joogto ah ku haysaa shacabka Soomaaliyed isla markaasna waxa ay ku eedeeyeen dawladda Maraykanka in ay dhiirrigelinayso hoggaamiye kooxeedyadii burburiyey dalka.
Dhinaca kalena, waxa ay xuseen in aysan Soomaaliya xilligani dowladi ka jirin iyagoo ku eedeeyay dawladda KMG ah in ay geysatay xasuuq. Xubnahani waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowladda KMG ah in ay dadkii barakacay ee soo guro-noqday ay u diidday guryahoodii isla markaasna daka qaar la dilay qaarna la qaxiyay kuwana ay ku dhibaateysan yihiin daafaha magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale loo diiday dadkaasi sida ay sheegeen xubnahani ku sugan Asmara in la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.
Xubnahan oo ku baaqay maxkamad
Xubnahan ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in maxkamad caalami ah oo baarta demnbiydii iyo xasuuqii ka dhacay Soomaaliya la furo.
Sidoo kale, ayey Qaramada Miboobay ugu baaqeen in arrimaha Soomaaliya aysan ugu deg-degin sidii sannadkii 1993-dii, xilligaasi oo ay ku sheegeen in nabadda loo adeegsaday in xoog lagu dhaliya waxayna Qaramada Miboobay ugu baaqeen in ay xushmeyso qaraarrada 733, 755 iyo 1725 iyagoo intaas raaciyay in Soomaaliya loo daayo arrimaheeda, isla markaasna ka codsaday Qaramada Midoobay in ay cambaareeyaan qabsashada Itoobiya ee Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.
Baaq loo jeediyey dadka Soomaaliyeed
Sidoo kale, ayey xubnahani ku sugan Asmara baaq u direen guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyagoo ka codsaday in ay u midoobaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen wax ay ugu yeereen cadawga qabsaday.
Xubnahan ayaa u qiray ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin wada hadal iyo dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleysan caddaalad iyo madax bannaanida dalka.
Xubnahani waxa ay soo dhoweeyeen go’aankii dawladda Mozambique ee ahaa in aysan Soomaaliya ciidamo u soo diraynin iyo kii waddamada Islaamka iyo Dalladda sawta Afrika iyagoo ku ammaanay in dalalkaasi iyo ururradaasi ay ogaadeen in aanan Soomaaliya xoog nabad looga dhalin karin.
Codsi taageero
Xubnahan ayaa Jamacadda Carabta ka codsaday in ay Soomaaliya la soo gaarto taageero siyaasadeed iyo mid ban’aadannimo.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xubnahani diidaan jiritaanka dawladda Cabdullaahi Yusuf. Guddoomiyaha xilka laga qaaday, Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore u sheegay in ay dhacday dowladdii Cabdullaahi Yusuf.
Madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdulaahi Yusuf Axmed, ayaa hore u sheegay in aysan dowladdiisu la kulmaynin koox aan aqoonsanayn jiritaanka dowladdiisa. Kala duwanaanshaha xagga afkaarta ee kooxaha Soomaaliya ayaa sababi kara burbur ku yimaada shir weyne qaran oo loo dhanyahay.
RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751









