World Somali Congress

Baaq Culus # 2

Thursday 1 February 2007

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Baaq Culus # 2

Iyadoo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu soo galiyey dalkii xorta ahaa ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed ciidamo xad-dhaaf ah oo ka kooban boqolaal taangi, iyo 50,000 ka badan oo askar ah, miyi magaalaba ay ku baaheen, iyadoo ay hogaaminayaan koox yar oo ceeb iyo naclad dusha ka fuushay.

Iyadoo cadowgu bandow ku daboolay dalkii Soomaaliyeed oo dhan si uu u xasuuqo shicibka iyo maatada oo uu kula kaco dil, dhac, kufsi iyo wax kasta oo xurmaynta aadamaha iyo xuquuqal insaanku ay xaaraantinimeeyeen, iyadoo adduunku ka warhayn.

Iyadoo soo gelitaanka iyo joogitaanka midna u suurta galeen ciidamada itoobiyaanka haddiii aan dowlada Maraykanka taageero iyo taakulayn la garab joogin,

Iyadoo dowlada Maraykanku taageerada Itoobiya ka sokow iyada lafteedu ay ku qaaday ummadda Soomaaliyeed weeraro waxashnimo iyo xadgudub ah. Weerarada bahalnimada ah oo muujinaya xurmayn la’aanta xuquuqda iyo sharafta aadamaha, iyagoo kula kacaya shacabka Soomaaliyeed gumaad aan loo aabbeyeelin dad iyo duunyo dalka oo dhan.

Iyadoo siyaasada Maraykanku ay noqotay in Soomaaliya ay dib ugu celiyaan cadaabtii ay dhowr bilood ka hor madaxa kala soo baxeen.

Iyadoo sidaasi awgeed, siyaasadda maamulka madaxweyne Bush ay tahay in wax kasta xikmad la’aan, xoog iyo xoolo (lacag) lagu xalin karo. Arintii Soomaaliyeedna ay fogeeyeen taasoo halis ku ah geeska Afrika oo dhan.

Sidaas daraadeed, annagoo ah Soomaali shirweyne isugu yimid magaalada Ottawa go’aansanayna in aan noqono unug horseed u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta dalka gudihiisa iyo debadiisaba,

Waxaa baaq culus u soo jeedinaynaa

I. Qaramada Midoobey, ururka Midowga Yurub, ururka dowladaha Islaamka, Jaamacadda Carabta, ururka Midowga Afrika iyo umadaha beesha caalamka ee nabadda iyo xoriyadda jecel waa inay • ku qasbaan ciidamada dowlada Itoobiya ee dalka soo galay inay si deg deg uga baxaan: • USA ay joojiyaan weerarka, cunaqabataynta iyo ku xadgudubka xuduudaha Soomaaliyeed.Laga qaado bandowga lana joojiyo xadgudubka iyo xasuuqa umadda Soomaaliyeed ee ay wadaan dowladaha deriska ah

• Waxaan ka codsaneynaa hayadaha caalamiga ee kor ku xusan dib-u-soo-nolaynta shirkii Khartuum si loo gaaro is afgarad loona dhiso dowlad loo dhan yahay.

Shacabka Soomaaliyeed

Si kasta oo ay u adag tahay xaaladda iyo mugdiga taariikheed ee aan haatan ku sugan nahay, haddana waa marxalad gaaban oo laga gudbi doono. Shacabka Soomaaliyeed hore ayuu u muujiyey uguna guulaystay daafacaadda dalkiisa, diintiisa, sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. Yaan lays dhiibin waa la soo rogaal celin.

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Gudoomiye Dr. Cumar Axmed Malow

1000 Brookfield Rd suite A – Ottawa – Ontario – K1V 2J6 Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 321-7620 Email: contact@somalicongress.org


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 93788

     RSS en RSSSomali RSSWarbixin  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751