Ururka Islaamlka: "Ethiopia ha laga saaro Somalia" (BBC)
arbaca 2 mai 2007
Abukar Maxamed Cabdi Boston
Ururka Islaamku waxay sheegeen in faragelinta Ethiopia aanay sharciga Islaamka waafaqsanayn Ururka Islaamka ee uu madaxda ka yahay Sheekh Yusuf Al-Qardaawi bayaan uu soo saaray waxa uu wel-wel ka muujiyey dilkii iyo xasuuqii
lagula kacay dadka rayidka ah ee aanan waxba galabsan. Bayaankan culumada Islaamka ayaa waxa uu masuuliyadda dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya dusha uga tuuray ciidamada Ethiopia oo uuna hawshaasi ku taageeray Maraykanka in ay farageliyaan Soomaaliya.
Sharciga Islaamka
Bayaanka Ururka Culumadu waxa uu farta ku fiiqay in taakulada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay ka codsatay dowladda Ethiopia si ay meesha uga tuuraan ururkii maxaakiimta Islaamku in aanay ahayn wax shuruucda Islaamka waafaqsan.
Bayaanku waxa uu ka dalbay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka in ay culays saaraan sidii ciidamada Ethiopia looga saari lahaa dalka Soomaaliya, markaasna ciidamo carbeed ama kuwo ka socda qaaradda Afrika loo geeyo Soomaaliya si ay nabadda u sugaan.
Qorshaha Golaha Ammaanka
Bayaankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanku uu ka dalbay beesha caalamku in ay soo diyaariyaan qorshe ciidamo loogu dirayo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu bayaanku ku baaqay in dhammaan dhinacyada ku diriraya Soomaaliya in ay gaaraan heshiis xabbad-joojin ah oo kama dambays ah, sidoo kale waxa uu bayaanku codsaday in la kordhiyo gargaarka bani’aadannimo ee lagu taakulaynayo shacabka Soomaalida.
Dalabka loo jeediyey dowladaha Afrikaanka
Golaha Ammaanka ayaa hore u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ciidamo ka socda qaaradda Afrika loo diro Soomaaliya. Sidoo kale, Golaha Ammaanku waxa uu ka dalbay dalalka Afrikaanka ah ee ku yaboohay ciidamada in ay u diraan ciidamadooda sida ugu dhaqsaha badan dalka Soomaaliya.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa waxay sheegeen in dagaalladii ka dhacay Soomaaliya lagu dilay dad ka badan kun ruux oo u badnaa rayid, iyadoo ayna ku barakaceen dad ka badan 350,000 oo qof.
RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751










