YABOOH (APPEAL)
Wednesday 24 January 2007 by abdillahi
I. Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe. Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu’aamaradaha cadowga Xabashida inta (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi ahantii:
1. Ninkii aadame alla u ahaayow Xamar waa la galay... Ninkii Ilaahay Ilaah u ahaayowna "inna Allaahu Xayyun Baaqiyun"... 2. Masiibada "sii laba kaclaysey" waxay ku dhacday adigoo illaaway ujeeddadii dheerayd ee cadawga ee ahayd inuu gacanta ku dhigo, goor ay noqotaba, Dalka Soomaaliyeed. 3. Cadow loo jabo iyo Caasimad la galo, dagaalla sokeeye iyo ummad layska horkeeno, Soomaali u gaar maaha ugumana horreyn.Guushuna wa meerto, ninba waa maalin."Guuldarraduna waa guusha hooyadeed…" Moskow, Paris iyo Baarliinba waa la galay, maantana waa xor. Shuruudaha iyo duruufaha keenay in la qabsado, isla kuwaasoo kale, oo ku liddi ah, baa lagu xoreey. 4. Meles waa Abraha kale: “Dayran abaabiila” iyo dulli baa u dambeeya. 5. Khaa’imiinta Baydhaba: dad maaha, dowladna maaha. Waa maqaarsaar la sameystey oo loogu talagalay in lagu qabsado Jamhuuriiyadda Soomaaliyeed. Waanay caddaysteen, sideedaba, marka horey kuwa dad iyo dowladba iibsadeen… 6. Cidi kuma jebin, Soomaaliyeey! Adaa isjebiyey, cadow isujebiyey!... Guushuna, Alla ka sokow, aday gacantaada ku jirta. Ismaqal, midnimo iyo kala-dambeyn baanad ku gaari.
II. Maxaa haatan kula gudboon Ummadda Soomaaliyeedey? 1. Kumanyaal sano Ilaahi ku soo jirey ayaa maantana jooga!... 7 jeer oo hore, tan oo kale, Ilaahii kaa soo saarey ayaa maantana kaa samatabixin. Isagaa gargaarkiisa iyo gurmadkiisa kuula diyaar ah. Aynu ku ducaysanno, qof kasta iyo Qaranka oo idilow, meel iyo xilli an joognaba: “Ilaahow biqudratika manta nagu bixi Adaan magan kuu nahay!” Guul iyo Mahdi baa Alla Agtiisa kuu yaal! Burburka iyo baabu’una cadowguu ku dambeyn. Waxaan idin leehay iskama lihi: lacalla tasina, aad aragtaan sidii arrimihiii aan horey idiinku sii sheegay (20 sano ka hor) 2. Wisheysiga Vichy ha la shaqaynina!... War, talo iyo tamar midna ha siinina. QAADACA: (no- cooperation): amar-ka-qaadasho iyo awaamiir-fulin intaba, bartay joogaana ka fogaada sidii baras.... Waxay noqonayaan wax lixaad la’, indiyo dhegala’, guri lagaga guurey. Xubnaha waddaniyiinta ah, ee ka mid ah “dowlad-ku-sheega”, mudanayaal iyo mileteri Xoogga Dalka, waa inay ka baxaan oy la saftaan ummaddooda iyo Qarankooda Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeedna waa inuusan hubka dhigin, isagana daafaco cadowga dalka soo galay. Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay uubta ugu dhacday xoreyntii dadka iyo dalka Soomaali- Galbeed. Askarta Soomaali u dhalatay, Soomaali-Galbeed laga keenay, cadowga u gargaaraysaay: ha uga dhigina abaalgud, geesiyadii naftooda idiin huray, inaad laysaan ubadkii iyo islaamihii ka hadhay!... 3. Waddaniyiinta Dalka iyo Diintooda daafacaysa, dhulka iyo dhagaaxdaa u hiilin. Waaxidkaa u gargaari. Waan guuleysan doonna!... Isdhiibina mayno: “Waman yaqnu min raxmatillaah illa daalluun”. Amxaar alla ma leh lugtaana laguu qabtay, adugu Soomaaliyeey, Ilaah baad leedahay, geesiyadaadii iyo aadanaha intiisa fiican!... ALLAA WAAXID, SOOMAALI WAA MID!..
1." Vichy" waxay ahayd dowlad-ku-sheeggii Hitler Faransa u sameeyey markii uu qabsaday, 1940, Daggaalkii IIaad ee Adduunka. Xarunteeduna waxay ahayd magalada Vichy. Waxaana ka horjeeday De Gaulle iyo waddaniyiintii raacay ee dalka xoreeyey (1945), dowlad-ku-sheeggina dumiyey, madaxweynaheediina dil ku xukumay; kaasoo la odhan jirey General Petain, odey gaboobey ahaa, jeelka Faransiiskana ku dhintay.
abdillahi
This author's articles
- Buuga Ma na’xe uu qorey Omar Kahin Ainache (Allaha u naxariiste)
- Dr Rabeh conference in Windsor Canada 2005
- Visit of the vice-Chairman of the Somalia liberation Alliance in Canada.
- Zakariye Maxamud, Gudommiye ku higenka Isbahaysiga Dib U Horeynta Somaliya oo ku jooga Kanada buqaasho hawled
- Le vice-president de l’Alliance pour la liberation de la Somalie en visite au Canada
- [...]











