World Somali Congress

CODSI ku socda dadweynaha Maraykanka iyo Mudanayaashooda

khamiis 15 maarso 2007

I. Dimuqaraadiyaddu maaha oo qudha in dadweynuhu ka rabo xildhibaanada xisaabcelin xukunka uu u dhiibtay, waxa kale oo ay dhigaysaa in Shacab kastaa uu mas’uul ka yahy dhibaatooyinka Xukuumaddiisu u gaysato dadyowga kale iyo dowladaha adduunka.

II. Waxa Xukuumadda Mareykanku ugaysatey Shacbiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed dhibaato lixaad leh oo ah burburin dad iyo dal oo ujeeddadeedu tahay dabargoyn ummadeed. (genocide)

1. Waxay dagaal aan loo aabayeelin, lama-filaan iyo sabab la’aan ah iyo taakulayn cadowga Soomaaliyeed ku qaaday Disembar 2006 Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Daggaalkaas oo ah weeraro xad-dhaaf ah, cir iyo dhul ah, oo dad iyo duunyo lagu laayey. Iyadoo lagu tijaabinayo hub iyo sun cusub oo aadane iyo xoolo barar loo baqtiyoey.

2. Waxaanay dowladda Mareykanku ku weerartay Dalka Soomaaliyeed iyadoo ku andacoonaysa la dagaalan argagixiso oo afgobaadsia ah, iyadoo ujeeddada habta ihi ay ahayd burburinta nabaddii iyo nidaamkii dowladnimo ee Xamar iyo dalka intiisa badan ku soo noqday. Waxaanay isla markaas geed sare ku laashay nabad ka jirta Soomaaliya iyo Geeska.

3. Waxa ay gamcaha iyo lugaha uga xirtay oo ay u ledegtay ummadda Soomaaliyeed cadowgeedii soo jireenka ahai ee Itoobiya oo ay ku soo deysey iyadoo ku taakulaynaysa sidii uu dalka u qabsan lahaa daahana u saarto dilka, dhaca iyo boobka; iyadoo dowladda Mareykanku ka hor burburisay waxay ummaddu isu daafici lahayd.

4. Waxa ciidamada Itoobiya ee dalka gudihiisa ku jira iyo kuwa Maraykanka ee cunaqabataynta badda ku haya ay sababeen macaluul iyo qaxitaan kuwii hore ka daran., iyadoo ujeeddadu ay tahay in dadku dalka ka yaacaan si ciidamada cadowga Itoobiya u cabudhin karaan.

III. Waxaan si gaarahaan oo degdeg ah uga codsanaynaa Dadweynaha Mareykanka iyo mudanayaashooda in:

1. Degdeg loo joojiyo daggaalka iyo cunaqabataynta ay ciidamada Maraykanku ku hayaan Soomaaliya, kana soo baxaan dalka iyo xeebaha Soomaaliya. 2. Ay joojiso dowladda Maraykanku taageerada iyo taakulaynta cadowga Soomaaliyeed, iyado nasiibdarro dhinac uun la jirta xiisadda Geeska caddaaladna eegayn. 3. Ay ugu deeqdo awoodeeda ballaaran sidii loogu heli lahaa xiisadda Geeska xal dhab ah oo lagu waaro, ugana dhalin lahayd is-afgarad iyo saaxiibtinimo Soomaaliya iyo Itoobiya. 4. Loo diro Soomaaliya Guddi soo baara dhibaatada ciidamadu Maraykanku ay u geysteen ummadda Soomaaliyeed iyo sidii loogu mag dhabi lahaa dad iyo duunyo wixii hal kaas ku lumey amase ay wax ku gaareen. 5. Gargaar iyo gurmad aadaminimo lala gaaro dadka tabaalaysan taasi oo lagaga hortago dhaawacyada, dhibaatada iyo macaluusha iyo qaxa ay sababta ugu weyn abuureen ciidamada Maraykanku.

O. Malow


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 96179

     RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751