World Somali Congress

Banaanbax loo dhan yahay

Friday 9 February 2007 by abdillahi

Walaalayaal;

Waxaad ogsoon tihiin in dalkeenii cadow soo galay.Cadowga xabashida oon waligeen ka adkaan jiray,hase yeeshee mar walba lugta laynoo qabto.Maantana ay taakuleynayaan dowlado ay ugu horeeyaan,Maraykanka dagaalka toos ugu jira.

Weerarada waxashnimada ah iyo qabsashada dalka Hooyo waxay ku been abuurteen, aano,argagixiso iyo halis been ah oo lagu eedaynayo ummmdada Soomaaliyeed oo waxa qura ee ay rabtaa ay yihiin, nabad, nolol ,sharaf,arimaheeda,oo ayadu xalillato , aayaheedana ka tashato,taas oo loo diidan yahay.Sidaas awgeed ayaa daandaansi iyo duulaan aan geedna loogu soo gaban loogu yahay.

Waad wada ogsoon tihiin, dilka, budhcadnimadda, boobka, kufsiga , dhaca hantidda shacabka lagu hayo.Waxaad ogtihiin sida geesinimada leh ee ummadda iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed ay cadowga gaashaanka ugu hayaan, guushuna ay hubaal tahay Eebe idinkiis. Iyadoo ugu danbeynta laga guulaysan doono cadowga soo jireenka ah ee aan naqaano.

Waxaa lagu balamay in Soomaalida dibada oo dhan ay isla maalin qura muujiyaan shucuurtooda,daafacaanna dalkooda,diintooda iyo dowladnimadooda aanay tusaan walaalahooda geesiyiinta ah ee ka halgamaaya dalka gudihiisa in aan hiil iyo hooba la garab joogno.

Waxaa banaan baxyadaasi u soo bandhigaynaa adduunka oo dhan garteena, qadiyadeena,qaranimadeena, gardarada cadowga iyo been alooskiisa, iyo inaan halgankeena wadadoono, midnimada, habka, iyo dadaalkana sii xoojin doono ilaa aan ka gaarno guul kama danbeyn ah. Guushaas oo xaq ah suurta galna noqon doonta sababo rabaani ah sidaan awgeed aan dib ugu saro kacno kuna garno sidaan ahaan jiray, heer qaran , Soomalinimo iyo Islaanimo si ka sii sareysa.

meesha iyo taariikhda March 9 ………………Ottawa, Canada Barlamanka, safaraada Ethiopia iyo tan americanka waqtiga…………………………………2:00 PM ………………………. Guddida xiriirka Tel…613 - 8846396 / 613 261 8990/ fax: 613-730-7751


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 93796

     RSS en RSSSomali RSSWarbixin  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751