Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia oo ka digtay Raashin laga qaadayo Cudurka Cancer-ka oo Israa’iil ay u soo dirtay Soomaaliya. (Shabelle M. Network)
khamiis 21 Agoosto 2008
Jidda, 21-08-08 Dowlada Sucuudiga ayaa uga digtay Somalia in ladoonayo in lasoo galiyo Badeeco sumeysan oo laga qaadayo cudurka Cancer-k gudaha dalka taasi oo lagu soo sameeyay dalka Israa’iil.

Wasaaradda ganacsiga ee sucuudiga ayaa maanta sheegtay in Israa’iil ay soo marsiineyso badeecadahani wadamada Djibouti iyo Yemen si loosoo galiyo Somalia.
badeecadahani ayaaa waxaa kamid ah Sunta lagula dagaalamo cayayaanka, waxyabo loo adeegsado bacriminta beeraha, waxyaabaha ay caruurtu kuciyaaraan, Barafuuno, Sigaar, cabitaano gasacadeysan iyo waxyaabo macmacaan kasameysan oo dhamantood sababi kara cudurka Cancer-ka.
Waxa ay dowlada Sucuudiga kacodsatay ganacsatada Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan alaabahaasi isla markaana dadkooda ay ka ilaaliyaan waxyeelada ay geysan karto badeecadaasi.
Sarkaal sare oo u hadlay dowlada dalka israa’iil oo diiday in magaciisa uu sheego ayaa kutilmaamay hadalka kasoo yeeray Saudi Arabia inuu yahay mid been abuur ah oo sucuudigu uu doonayo inuu kaga faaideysto xiriir xumada kala dhaxeysa Israa’iil in dacaayad ay kaga fidiso Israa’iil.
Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga ee wadanka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ay fasaxeen raashiin qurmay oo aan u wanaagsaneyn inuu bani’aadamka isticmaalo kaasi oo laga soo bixiyay dekedda weyn ee Muqdisho xilli ay horeyna u sheegtay wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka in raashiinkaasi baaritaan lagu sameyn doono oo guddi loosaarayo, waxaana laga bixiyay dekedda iyadoon wax war ah kasoo bixin wasaraddaasi.
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751








