Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee Somaliya oo xalay bixiyey wareysi dheer oo taabanaya dhinacyo badan (HiiraanCenter)
isniin 11 Agoosto 2008
August 11, 2008
Madaxweynihii hore ee dalka Somaliya Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu sheegay in aysan wax heshiid ah ka samaysmeen intay dalka Itoobiya ay dalka kusugan yihiin Cabdi qaasim ayaa waxaa uu sheegay in aysan dalka Somaliya ka jirin wax dowladda ee ay ka jiraan kuwa daangiyo lagu keenay isla markaasna fulinaya amarkooda.
Cabdiqaasim ayaa ku xuuxnuuxsaday in aysan cilmiyan iyo aqli ahaanba aysan ka jirin wax dowladda ah dalka Somaliya mana jiraan wax la yiraahdaa dowlad balse waxaa jira taangi lagu keenay dowladda waxaa lagu magacaabi karaa mid ay dadkeeda raali ka yihiin balse middan waxaa lagu keenay taangi isla markaasna taangiga ayey u adeegeysaa.
Cabdiqaasim ayaa waxaa uu ka hadlay Heshiidka lagu soogaaray dalka Jabuuti isagoo ku tilmaamay in aysan halkaasi ka soo bixin wax dadka cuntama isla markaasna waxaa lagu balamay in laysugu yimaado dalka Sa,uudiga waxaa uu intaasi ku daray wax micno ah malahan meelkasta oo laysugu tagaa balse ilaa iyo inta ay ciidankan Itoobiya ee dalkeenna keeneen Mareykanka iyo dalalka reer Yurub ay ka saarayaan amma laga saaraayo markaas kadibna laqabto dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta dadka Somaliyeed.
Cabdiqaasim ayaa wuxuu waxaan la yaabanahay dadka sheegaya in ay dowlad ka jirto dalka Somaliya in ay ka fiiriyaan qaamuusyada waxa lagu tilmaamo balse magaranayo dadka sheegaya in ay dowladda ka jirto dalka Somaliya hafiiriyeen qaamuuska hana ogaadeen waxa lagu magacaabi karo dowlad dalka Somaliya kama jirto dowlad ee waxaa jira Somaliya ee jira kuwa lagu keeneen wuxuu si caro leh uu ku yiri kuwa wakiilka ka u ah cadowga waa qaacimiin u shaqaynaya cadow mana istaahilaan hataa in lagu dilo qori waanna in lala dagaalamaa muqaawimada waan ay ladagaalantaa cadowga Somaliyeed.
Mar uu ka hadlay qilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Sheekh Daahir Xasan ayaa waxaa uu yiri waxaa socda ukala dabqaad ay wadaan dad wax garad ah waxaanna filaya in ay in ay qaataa waxaa ay kula taliyaan dadkaasi in ay wada horfariistaan dad ay kuwada kalsoon yihiin isla markaasna farta lagu fiiqo cidda qaldan waxaa uu yiri waa in ay umidoobaan halganka lagula dagaalamayo cadowga kalatagoodana wax uu lug kuyeelanayo majiraan halganka ka jira dalka Somaliya waana uu socdaa ilaa iyo ay dalka ka baxaan kuwa ku soo duulay ee uu horkacayo Mareykanka.
Mar uu ka hadlay qilaaf u dhexeeya Cabdullahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayuu sheegay waxaasi in ay yihiin riwaayad lagu doonayo in lagu burburiyo dib u heshiisiinta haatan bilaabaty mana ka go,do in ay fuliyaan go,aankii ay soo qaadeen oo talo fara uguma jirto.
Isagoo dadka Somaliyeed iyo waxgaradka in ay iska daayaan jahawareerka lagu jaha wareerinayo dib u heshiisiin aan waxba ka jirin dadka waxgaradka ah ee u baqoolay dibadda waa in ay dalkooda ku soo laabtaan isla markaasna ka xoreyaan cadowga mana soconeyso in lagu riyoodo in ay heshiis kaga baxayaan Itoobiya dalka Somaliya waa in ay ka saaraan kuwa uu ugu horreeyo Mareykanka taas oo ubaahan in lala dagaalamo Tikreega.
Marwax laga weydiiyey isla loo wada hadashiin karo Sheekh Xasan Daahir oo isgau aan meelna aadi kari kadib markii lagu shabadeeyey argagixiso iyo Sheekh Shariif oo aan tegi karin Asmara ayuu sheegay taas in ay ubaahantahay farsamo balse dowladdo waxaa jira ciddii ufulinweyso danahooda ku shabadeysa dadka waxa lagu magacaabo argagixiso annaga Sheekh Daahir iyo Sheekh Shariif midna nooma ahan argagixiso ee waxay nooyihiin halgamayaal u halgamaya xirnimo.
Xafiiska wararka ee hiiraancenter
RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751









