Somali > Aragti siyaasadeed
Waraysigi guddomiyee ku xigeynka world Somali congress
sabti 8 décembre 2007
Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis Waraysigani oo ingiriis ah wuxu ku soo baaxay boogogan www.americanchronicle.com, www.buzzle.com, www.afroarticles.com

Si aan u waadixino wacyiga dhabta ah iyo dhibaatooyinka qarada weyn ee aan muuqan ee ka taagan Geeska Afrika. Waxaan garanay in aan fursad siino Soomaalida dhabta ah ee rayigoodu wax soo kordhin karo, kuwaas oo ka bixin fikrad dhaxalgal ah dhibaatada wadankooda. Saxaafadda adduunweynuhu si weyn ayey ugu dheceen in ay qadiyadan ay dadweynaha adduunka u ban-dhigaan, iyago had iyo jeer ku mashquula dhacdo aan ahayn xaqiiqo faahfaahsan (dhacdo sibibixasho ah).
Haddaba, dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika oo wajiyo badan ayaa nasiib daradu waxay tahay in akhristayaasha reer Galbeedku waxba kala socon. Sababtaasi awgeed ayaanu go’aansanay in aanu waraysi la yeelano madaxweyne ku-xigeenka ururka World Somali Congress md. Cabdullahi Axmad. Ujeedooyinka ururkaasi ka akhri halkan iyo waxyaabaha kale ee uu mustaqbalka hiigsanayo. Waraysiga Cabdullaahi oo saddex qaybood ah qaybtii kowaad waa tan:
S 1 – Md Cabdullaahi sharaxaad yar akhristayaasha ka sii naftaada iyo waxbarashadaada?
J 1- Waxaan ku dhashay Jibuuti kuna dhamaystay dugisgaygii, waxaan ka qalinjabiyey dugsiga tababarka macalimiinta ee Jibuuti, ka dibna waxaan noqday macalin dugsi. Waxaan la shaqeeyey axsaabta mucaaradka ee jibuuti ilaa aan u hijrooday Kanada arimo siyaasadeed awgeed.
S 2 – Wax yar faahfaahi waxbarashadaada iyo meheradaada?
J 2 – Waxaan shahaadada hore ee xidhiidhka caalimiga ka qaatay jaamacad ku taal Quebec oo la yidhaa Outaouais, haddana shahaadada labaad (masters degree) ayaan ku dhamayn rabaa anigoo ku takhasusay xidhiidhka caalamiga qaybta horumarka Afrikada Bari, isla mar ahaantaana waxan ku shaqeeya maareeye ahaan.
S 3 – 16 sanadood Soomaaliya way kala qaybsanayd iyadoo marmarna isku kacsanayd, maxay tahay sababtu? Ma gacan gumeysi oo qarsoon ayaa ku jirta? Ilaa xadkee ayaa laga yabaa in dhibaatada Soomaaliya kala qaybintii gumeystayaashu ku leedahay?
J.: Xaaladda maanta waa mid laga dhaxlay cadaaladaradii colonial Partition-ka iyo dagaalkii Ummadda Soomaaliyeed ugu soo jirtey muddo 100 sano iyo in ka badan ah xoriyadda iyo midnimo (Quest of National Unity).
S 4 – Haddaan ku soo dhowaano waqtigan, ku yara noqo 70kii ama 80kii, ma jireen waxyaabo tilmaami kara dhibaatooyinka dhacay? Cidise ma filaysey?
J 4 - Ha!. Watan dhowr arrimood.
a) Ku-gargaarkii Guumeystayaasha reer Yurub ay ku gargaareen (hub iyo taageera siyaasadeed...) gacan-ku-dhigiddii gobolka Herer (1882)
c) Qaybihii Dalka Soomaaliyeed ee Ingriiska, Talyaniga iyo Fransiisku ay u dhiibeen Xabashida iyadoo aanay Soomaali ogeyn, ogolayn (1897-1954).
d) Taladii iyo go’aanadii cilmi-baarista ku salaysna ee ay gaareen Guumeysta yaasha reer Yurub (1950-1960) ee ahayd in laga celiyo Soomaali inay xorowdo, haddii Gobanimo gaartana lkaga celiyo inay ka baxaan colonial Partition-ka, sidaas awgeedna loo qaybiyo qabaa’il... (arag Omar Osmaan Rabeh: Republique de Djibouti ou roue de secours d’...Ethiopie, Silex, Paris, 1985. L’Etat et le Pansomalisme, Editions le Derwish, Paris, 1987, etc.)
RSS so RSSSomali RSSAragti siyaasadeed
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751









