World Somali Congress

Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday Saldhigga Degmada Yaaqshiid

Tuesday 27 February 2007 by B salah

Muqdisho (Qaadisiya.com) Weerar bambaano ayaa Habeenimadii xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska ee Degmada yaaqshiid halkaasi oo xilligii la weeraray Nasiib darro aysan jirin cid ku sugneyd.

Tirada Bambooyinka lagu tuuray Saldhiggaasi ayaa ahaa Labo bamgacmeed iyadoo mid ka mid ah labadaasi bam uu ku dhacay albaabka hore ee saldhigga uuna bur buriyay dhufeys ku yaalay halkaasi oo uu fariisto waardiyaha saldhiigga inkastoo uusan xilligaasi kusugneyn.

Sidoo kale Bamka labaad ayaa waxa uu ku dhacay dhinaca Masjidka xigta, iyadoo qaraxaasi uu jaray geedo, hadaba majirin wax khasaare ah oo uu geystay Bambooyinkaasi marka laga reebo burburka albaabka hore ee saldhigga iyo waxyaabo kale oo yar yar ah.

Xilligii la weerarayay Saldhigga ayaa waxaa uu ahaa Saldhigga mid aanay cidina kujirin, waxaana muuqata in Soomaalida Masaakiinta ah ee lasoo marin habaabiyay ay garowsanayaan in aysan habeenkii la hoyan Tikree oo ay iska aadaan xaafadahooda.

Saldhigga Degmada Yaaqshiid keliya ma ahan, inta badan Xarumaha Saldhigyada Booliska ayaa banaan xilliyada habeenkii iyadoo la ogaaday in ciddii kudhaawacanta aanu wax faa’ido ah ka heleynin cidda ay u shaqeeyaan xitaa waxaa dhacda in aanan lasoo xusuusan sida kuwii shalay kudhaawacmay Isgoyska Siinaay oo midkood uu ku geeriyooday Maanta Isbitalkii uu kaga jiray Magaalada Muqdisho mana jirto kuwa kale ee dhaawaca ah cid lasocota oo aanan aheyn qoyskii ay ka dhaawacmen.

Waxaa si cad isaga muuqaneysa in Shaqaalaha Tikreega aysan aheyn kuwa si aad ah loo daneynayo xilliyada ay dhibaatooyinka lasoo gudboonaadaan, lakin waxaa cad in lasii xanuunjin doono inta ay kaga qeyb qaadanayaan difaaca Diinta iyo Dalka, waxaana ugu yaraan ay qaban karaan in ay fuliyaan hawlaha lagu qaarijinayo Shaqaalaha Sar sare ee Tikreega.


Soo dhaweyn | Xidhiidh | Nidaamka siteka | Statistik | Na soo bogday : 96179

     RSS en RSSSomali RSSWararka  

1000 Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751