Geedi seedigiis oo la toogtey
Tuesday 27 February 2007 by B salah
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa maanta Seedigiis lagu dilay agagaarka shirkadda Isigaarsiinta Nationlink ee magaalada Muqdisho.
Yuusuf Maxamed Dhicisow, ayaa waxaa toogtay koox hubeysan oo ku dhuftay ku dhowaad soddon xabadood, kadibna hubsatey dhimashadiisa.
Allaha u naxariistee Dhicisow, ayaa watay gaari noociisu yahay Surf, markii kooxda hubeysan ay baabuur kale ku hor gooyeen agagaarka Shirkadda Nationlink ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Dhicisow, ayaa qabay ra’iisul wasaaraha Somalia Cali Maxamed Geedi walaashiis ka yar isaga oo ifka uga tagey laba caaruur ah sida ay noo xaqiijiyeen dad ehel la ahaa marxuumka.
Kooxda falka dilka ah geysatay ayaa la sheegayaa inay kor timid meydkiisa si ay u hubsadaan inuu geeriyooday iyo in kale.
Lama garanayo illaa iyo hadda sababta loo dilo Dhicisow iyo kooxda dishay intaba.
B salah
This author's articles
- Xarakaadka muqaawamada oo si deg deg ah uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Yoweri Museveni iyo C/llaahi Yuusuf Axmed
- Petition (Houston, Texas)
- Somali PM’s brother-in-law shot dead in Mogadishu
- Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday Saldhigga Degmada Yaaqshiid
- Hundreds of civilians wounded in Somali fighting
- [...]












